Skip to main content

Posts

Featured

Qisadii iyo Dhacdadii reer Hebel

Caw yar oo ay gosha ku siday ayey yar dhigtay. Si quman ayeey u dhiidhiibsatay. Dhaaraca ka dameeya ayaa riyuhu mayracanayaan oo waa daraf dheeryihiin.   Kabaha sahlada ah ee dhawaanta loo keenay ayaa lugta midi ka lulataa, tankalena cagta iskeed uga baxday. Waa sideed iyo toban jir baarka fidhatay waracnimo u dheertahay oo waa geed indhaha kala haysa.   Aqalka oo darfa wayne ah ayaa gosha ay saarantahay kasii laadlaada. Dooxadu waa dab galacle oo dayrtii oo aarantay ayey sannada ka dageen. Baadida waa la isu dhagxiyaa, qardaduna waa quud wadaag. Falkada ay dhawaanta unugtay ayey   weecweecinaysaa, sheedaya ayeey Kolba riyaha uga jeedaa oo dawaca horror ah ayaa meesha muur ah. Sarqanta gadaal kaga timid iyo salaanta ayaa wada kodlay, salaanta ayeey ka qaaday, waa la is bariidiyey, waa ina Bilane xishoodkay afka duubatay , isagoo xeelad ula jeeda ayuu biyo waydiistay   . salqan ay weeso iy af qoys ku sidatay ayeey la tiigsatay , haraadse ma hayne hadalka ayuu ku furfu...

Latest Posts

Xiriirkii hore iyo kan Hadda

Xaaskaygu weesada ma iga jabisaa