Xaaskaygu weesada ma iga jabisaa
Waa Masalo diini ah, culimaduna siyaabo
kala duwan ayay uga hadlaa. In ragga iyo dumarka is qabaa ay weesada iska
jabiyaan waa masalo khilaafiya ah oo jirtay ilaa xilligii saxaabada.
Imaamu shaafici iyo culimada la socota ayaa qaba, taabashada caadiga ah ee ragga iyo dumarka is qaba dhex marta oo jirkoodu istabo weesada waa jabinaysaa. Halka culimo kale ay qabaan in istaabashada caadiga ee labada is qaba aanay weesada jabin, balse galmada ama ijmaaca dhex mara labada is qaba uu weesada jabiyo. Maadama ay ahayd masalo la isku khliaafay culimaduna labadaa ra’yi ayay kala qaateen, marka loo fiiriyo midka xoog badan xagga daliilka, waxaa xoog badan in ragga iyo dumarka is qaba aanay kala jabin weesada si uu sheegay Shiikh Umal, mar la weydiiyey isla su’aashaan.
’’Suni abii daauud iyo qayrkii waxaa ku
yaala, in Nabi Muxamed SCW xaasaskii intuu dhunkado, ka dibna uu tukan jiray
isagoon weesaysan. Xadiiskaa abii daauud iyo qayrkii ayuu ku yaal’’ Shiikh
Umal.
Waxaa kale oo sugan kunayaal saxiix
bukhaari in Nabigu isagoo habeen tukanaya oo salaada ku jira xaaskiisa uu lugta
ka taabanayay, maadama meesha uu ku tukanayay ay lugaha ku fidsanayeen, markuu
soo sujuudayo uu lugta ka tabaanayay si ay u laabto, Marka uu qiraa’ada u
sitaago Nabigu SCW waa ay fidsanaysay, sidaa ayuuna salaadii ku dhamaystay
Nabigu SCW. Culimada qaar ayaa daliishata maadama uu Nabigu SCW sidaa samayey. Inkastoo wadaada qaar ay ku
doodaan in lugta Aisha rabi raali ha ka noqdee ay maro saarnayd xilliga uu
nabigu taabanayay, balse wax daliil ah oo muujinaya in maro saarnayd looma hayo
kamana muuqan xadiiska laga soo wariyay Nabigeenna NNKH.
Waxaa intaas dheer in nabiga SCW uu habeenkii
weeso qab ku seexan jiray, islama mar ahaantaana marwooyinkiisa hal gogol kula
seexan jiray. Hadda dhamaan intaa aan soo sheegnay iyagoo xiganaya ayay culimada qaar sheegeen in labada isqaba aanay
weesada iska jabin, balse sida la isku wada raacsanyahay masladan waa mid
khilaaf ka jiro soona jiray ilaa xilligii saxaabada.

Comments
Post a Comment