Qisadii iyo Dhacdadii reer Hebel

Caw yar oo ay gosha ku siday ayey yar dhigtay. Si quman ayeey u dhiidhiibsatay. Dhaaraca ka dameeya ayaa riyuhu mayracanayaan oo waa daraf dheeryihiin.  Kabaha sahlada ah ee dhawaanta loo keenay ayaa lugta midi ka lulataa, tankalena cagta iskeed uga baxday. Waa sideed iyo toban jir baarka fidhatay waracnimo u dheertahay oo waa geed indhaha kala haysa.  Aqalka oo darfa wayne ah ayaa gosha ay saarantahay kasii laadlaada. Dooxadu waa dab galacle oo dayrtii oo aarantay ayey sannada ka dageen. Baadida waa la isu dhagxiyaa, qardaduna waa quud wadaag. Falkada ay dhawaanta unugtay ayey  weecweecinaysaa, sheedaya ayeey Kolba riyaha uga jeedaa oo dawaca horror ah ayaa meesha muur ah. Sarqanta gadaal kaga timid iyo salaanta ayaa wada kodlay, salaanta ayeey ka qaaday, waa la is bariidiyey, waa ina Bilane xishoodkay afka duubatay , isagoo xeelad ula jeeda ayuu biyo waydiistay  . salqan ay weeso iy af qoys ku sidatay ayeey la tiigsatay , haraadse ma hayne hadalka ayuu ku furfuranayey , kaftan goos goos ah ayaa la is waydaarsaday  “walaal aniga Suudi baa la iyidhaahdaa” ayuu cod yar ku gaarsiiyay  “walaal anna Basra ayaa la iyidhaahdaa” ayey ugu waar celisay.  kabaha cadcad ee aan cidhibta ka dheerayn, shaadhka caddaaniga ah iyo macawista/hoos-guntiga  Berberaawiga ah ee bilicda ku ladhay ayeey ishu hor qabanaysaa, timaha madaw ee jileeca u dhashay, haatanse salxaya dheeraystay baa dabayshu ku ciyaaraysaa oo kolba gees u wadaa. Waayahay  howraarsan  hasaawe weheliyo ayaa laysku ayiday.  Riyiihii oo xagga guriga u daadegay iyo  maqashii oo caasha is dhigay  ayeey afka saartay. Qorraxdu si quman ayeey godkeeda ugu hoyatay. Maqasha oo waxaro u badnaa uun bay kolba mareegta mid ku xidhaysaa. “Maqaley warlaay ma laguu warramay?”,  waa heesta ay waxaraha ku xidhxidhayso, qofkastoo ku dhawna maqlayo. Waa hees hawleedka maqasha markay geediga yihiin, balse iyada ayaa maroorsatay oo dhanka kale u rogtay. Bal adba?.

 

“Wooow Basray Kaalayeey”. Qiiqa iyo qaylada Cismaan yare oo dabshidka fadhiyey ayeey xaggiisa u orday. Dabka uu kulaalayey dheriga saaran ayaa inta xolladka xamiliwaayey  bal in uu nafiso biyaha badh qubay. “Maxaad la qaylinaysaa maad daboolka ka qaado dheriga”, “Sow ku guban meyno ma anagaa ka qaadi karna”. “ Waar tag nacasyahow, orod waxarahaa xidh xidh”.

Laaca u muuqday iyo caanaha kashiisa galay ee cagaarka u nuguli waa kuwa saq badhka wada. Awrta oo guriga afaafkiisa yaacsan ayuu soo xidhxidhay, deetana  tooraha waakan u soo jiiday, waa gudcur, gudcurna ma aha oo xiddigaha  nuurkooda ayaa geedka iyo qofka kala saaray, dayaxuna waa soo ragaay waase dubbad habeenkaa. Xamurka handoodilan ee guntiisa aboorku sida farsamaysan  dundumada uga dhisay waa kan isku lamaaniyay, si uu uga raad gato ratiga jiniya aragga ah iyo dameerka aan maluuga kala saarinee qayliya. Himbiriirsiga iyo karbuunada oo ka horeeyey ayaa u tilmaamay inay ardaaga dhinaca bidix ee koonfurta xiga  duubantahay, isla markiiba bustaha shabeelka ah ee korkeeda sida siman u saran ayuu laacay, oo foolkeeda ka feyday. Qoorta aad gariga moodo ee ay hooyadeed Bilan ka raacday ayeey la toostay. “War waayo?”  ayeey cod laamadoodsan ku tidhi. Go’ uu ku hullaabnaa inta ruuga gashtay ayuu cod xabeeb leh ku yidh “ Waa Suudiye sare fadhiiso”

 warka nuxurkiisa ayaa la is nuugsiiyey  inkastoo ay laamadoodsanayd haddana si wacan bay ula kala dhig dhigaysay oo illaahow ferej ii fur bay taagnayd.hasaawe dhawr caana maal qaatay ka dabadow waxaa la isla gartay in weesada la isku dhawrto . Hase yeeshee todobka ayaa ka hiishay oo saameelay, qoloba meel ayeey u hayaantay , balantii ayaa mid waliba sabarka ku hayaa oo balan furyadu dhaqan iyo diin ahaanba waa ka xaaraan, wuxuu cirku hooro qurraxduna is daba marto goor barqo ah oo maalin adduun ah  isagoo sahan salagle ah ayuu ku soo leexday guriga tubta uu marayey dhanka midig ka saarnaa, salaanta oo kasoo horaysay ayuu la tiigsaday qof dumar ah oo maqal hoosaya, siina qandooda  hadday soo jaleecday waaba Basra,  haa waa iyadii, waa iyagii muddada kala maqnaa falax goodiga ayaa is dhaafay. Balantoodii hore aya boorka laga jafay wuxuu u sheegay cisho dhaw  siduu dhaqanku ahaa inu usoo geeed fadhiisandoono , faraxad iyo badhaadhe ayaa lagu kala tagay , habeenkaa reerka oo aad u hawl badnaa oo xidhxidhida maqasha, ka rinta cashada , oodadda iyo riya lisida  toonna ma aysan dareemin reerkuna waxa ay layeebeen waxa ku burada ah Basra “miyay og yihiin inaan meelkale ka faraxsanay” ayeey hoos isugu faqaysaa , waase lagaaridoonee roobkaa di’i doona xareeduu wadhi doono!!

Xumad jacayl iyo xakaar ragganimo oo hayay ayaa sababay inuu soo degdego .Maalin isniin ah oo subaxdi ka horaysay bariiso dhulka qoysay ayuu u soo geed fadhiistay Basra. Geedka darayga ah oo dixda yaal ayeey darinta u fidisay. Inanta aabbeed saaka ayuu ku jarmaaday guriga adeerkeed Dalmar oo koronkii ka ragaaday. Cismaan ayeey u dirtay. “ Aabbe iyo adeer u sheeg in Niman Geedka u fadhiyan” , wax yar ka dibse waa soo muuqdeen oo waxba sidaa uma fogayn waxayna soo gaadheen geedkii raggu ku sugayay is nabdayn ka dib sidii caadada u ahayd reer miyiga waa la is haybsaday  qoladii inantu ka dhalatay ayaa si degdeg ah cawdii uga kacay iyagoo leh ma reer hebel! qolyihii kalena kuma sii nagaan hadalo kulkulna waa la isla waydaarsaday.

Suudi ma fahimin waxa meesha ka dhacay,  Basro oo  u qaadatay in dhanka xooloaha aysan isku af garan ayaa adeeradeed waydiisay waxa kala dareerka keenay. Waxaa loosheegay ina ay adeerkeed dileen sanooyin sii horraysay ceelka biri qodayga ahna la isku qabtay dabadeedna halkaa adeerkeed lagu ruux togay  xawda oo la is gooyo mooyee aysan xididnimo dhex ool.

 


Comments