Qisadii iyo Dhacdadii reer Hebel
Caw yar oo ay gosha ku siday ayey yar dhigtay. Si
quman ayeey u dhiidhiibsatay. Dhaaraca ka dameeya ayaa riyuhu mayracanayaan oo
waa daraf dheeryihiin. Kabaha sahlada ah
ee dhawaanta loo keenay ayaa lugta midi ka lulataa, tankalena cagta iskeed uga
baxday. Waa sideed iyo toban jir baarka fidhatay waracnimo u dheertahay oo waa
geed indhaha kala haysa. Aqalka oo darfa
wayne ah ayaa gosha ay saarantahay kasii laadlaada. Dooxadu waa dab galacle oo
dayrtii oo aarantay ayey sannada ka dageen. Baadida waa la isu dhagxiyaa,
qardaduna waa quud wadaag. Falkada ay dhawaanta unugtay ayey weecweecinaysaa, sheedaya ayeey Kolba riyaha
uga jeedaa oo dawaca horror ah ayaa meesha muur ah. Sarqanta gadaal kaga timid
iyo salaanta ayaa wada kodlay, salaanta ayeey ka qaaday, waa la is bariidiyey,
waa ina Bilane xishoodkay afka duubatay , isagoo xeelad ula jeeda ayuu biyo
waydiistay . salqan ay weeso iy af qoys
ku sidatay ayeey la tiigsatay , haraadse ma hayne hadalka ayuu ku furfuranayey
, kaftan goos goos ah ayaa la is waydaarsaday “walaal aniga Suudi baa la iyidhaahdaa” ayuu
cod yar ku gaarsiiyay “walaal anna Basra
ayaa la iyidhaahdaa” ayey ugu waar celisay.
kabaha cadcad ee aan cidhibta ka dheerayn, shaadhka caddaaniga ah iyo
macawista/hoos-guntiga Berberaawiga ah
ee bilicda ku ladhay ayeey ishu hor qabanaysaa, timaha madaw ee jileeca u
dhashay, haatanse salxaya dheeraystay baa dabayshu ku ciyaaraysaa oo kolba gees
u wadaa. Waayahay howraarsan hasaawe weheliyo ayaa laysku ayiday. Riyiihii oo xagga guriga u daadegay iyo maqashii oo caasha is dhigay ayeey afka saartay. Qorraxdu si quman ayeey
godkeeda ugu hoyatay. Maqasha oo waxaro u badnaa uun bay kolba mareegta mid ku
xidhaysaa. “Maqaley warlaay ma laguu warramay?”, waa heesta ay waxaraha ku xidhxidhayso, qofkastoo
ku dhawna maqlayo. Waa hees hawleedka maqasha markay geediga yihiin, balse
iyada ayaa maroorsatay oo dhanka kale u rogtay. Bal adba?.
“Wooow Basray Kaalayeey”. Qiiqa iyo qaylada Cismaan
yare oo dabshidka fadhiyey ayeey xaggiisa u orday. Dabka uu kulaalayey dheriga
saaran ayaa inta xolladka xamiliwaayey
bal in uu nafiso biyaha badh qubay. “Maxaad la qaylinaysaa maad daboolka
ka qaado dheriga”, “Sow ku guban meyno ma anagaa ka qaadi karna”. “ Waar tag
nacasyahow, orod waxarahaa xidh xidh”.
Laaca u muuqday iyo caanaha kashiisa galay ee cagaarka u nuguli waa kuwa saq badhka wada. Awrta oo guriga afaafkiisa yaacsan ayuu soo xidhxidhay, deetana tooraha waakan u soo jiiday, waa gudcur, gudcurna ma aha oo xiddigaha nuurkooda ayaa geedka iyo qofka kala saaray, dayaxuna waa soo ragaay waase dubbad habeenkaa. Xamurka handoodilan ee guntiisa aboorku sida farsamaysan dundumada uga dhisay waa kan isku lamaaniyay, si uu uga raad gato ratiga jiniya aragga ah iyo dameerka aan maluuga kala saarinee qayliya. Himbiriirsiga iyo karbuunada oo ka horeeyey ayaa u tilmaamay inay ardaaga dhinaca bidix ee koonfurta xiga duubantahay, isla markiiba bustaha shabeelka ah ee korkeeda sida siman u saran ayuu laacay, oo foolkeeda ka feyday. Qoorta aad gariga moodo ee ay hooyadeed Bilan ka raacday ayeey la toostay. “War waayo?” ayeey cod laamadoodsan ku tidhi. Go’ uu ku hullaabnaa inta ruuga gashtay ayuu cod xabeeb leh ku yidh “ Waa Suudiye sare fadhiiso”
warka
nuxurkiisa ayaa la is nuugsiiyey inkastoo ay laamadoodsanayd haddana si wacan
bay ula kala dhig dhigaysay oo illaahow ferej ii fur bay taagnayd.hasaawe dhawr
caana maal qaatay ka dabadow waxaa la isla gartay in weesada la isku dhawrto . Hase
yeeshee todobka ayaa ka hiishay oo saameelay, qoloba meel ayeey u hayaantay ,
balantii ayaa mid waliba sabarka ku hayaa oo balan furyadu dhaqan iyo diin
ahaanba waa ka xaaraan, wuxuu cirku hooro qurraxduna is daba marto goor barqo
ah oo maalin adduun ah isagoo sahan
salagle ah ayuu ku soo leexday guriga tubta uu marayey dhanka midig ka saarnaa,
salaanta oo kasoo horaysay ayuu la tiigsaday qof dumar ah oo maqal hoosaya,
siina qandooda hadday soo jaleecday
waaba Basra, haa waa iyadii, waa iyagii muddada
kala maqnaa falax goodiga ayaa is dhaafay. Balantoodii hore aya boorka laga
jafay wuxuu u sheegay cisho dhaw siduu
dhaqanku ahaa inu usoo geeed fadhiisandoono , faraxad iyo badhaadhe ayaa lagu
kala tagay , habeenkaa reerka oo aad u hawl badnaa oo xidhxidhida maqasha, ka
rinta cashada , oodadda iyo riya lisida
toonna ma aysan dareemin reerkuna waxa ay layeebeen waxa ku burada ah Basra
“miyay og yihiin inaan meelkale ka faraxsanay” ayeey hoos isugu faqaysaa ,
waase lagaaridoonee roobkaa di’i doona xareeduu wadhi doono!!
Xumad jacayl iyo xakaar ragganimo oo hayay ayaa
sababay inuu soo degdego .Maalin isniin ah oo subaxdi ka horaysay bariiso
dhulka qoysay ayuu u soo geed fadhiistay Basra. Geedka darayga ah oo dixda yaal
ayeey darinta u fidisay. Inanta aabbeed saaka ayuu ku jarmaaday guriga
adeerkeed Dalmar oo koronkii ka ragaaday. Cismaan ayeey u dirtay. “ Aabbe iyo
adeer u sheeg in Niman Geedka u fadhiyan” , wax yar ka dibse waa soo muuqdeen
oo waxba sidaa uma fogayn waxayna soo gaadheen geedkii raggu ku sugayay is
nabdayn ka dib sidii caadada u ahayd reer miyiga waa la is haybsaday qoladii inantu ka dhalatay ayaa si degdeg ah
cawdii uga kacay iyagoo leh ma reer
hebel! qolyihii kalena kuma sii nagaan hadalo kulkulna waa la isla waydaarsaday.
Suudi ma fahimin waxa meesha ka dhacay, Basro oo u qaadatay in dhanka xooloaha aysan isku af garan ayaa adeeradeed waydiisay waxa kala dareerka keenay. Waxaa loosheegay ina ay adeerkeed dileen sanooyin sii horraysay ceelka biri qodayga ahna la isku qabtay dabadeedna halkaa adeerkeed lagu ruux togay xawda oo la is gooyo mooyee aysan xididnimo dhex ool.

Comments
Post a Comment