Xiriirkii hore iyo kan Hadda
Xiriirku waa haasaawe ku yimaada is afgarad labada qof, waana hindiso googol xaar u ah in nafqaybsiga labada qof. Hasaawuna waa wax soo jiraan ah, waa dibci is fahan oo Alle ku dhex beeray aadama kala jaaka ah. Dunida casriga ah ayaa fududaysay in haasaawaha hadda jira uu ka duwanaado kii hore, waxayna fududaysan in labada qof ay haasaawi karaan iyagoo aan is arag walina kulmin, halkii hore ee dhaqanka soomaalidu ahaa mid ka fool ka fool, mararka qaarna fariimo warqado iyo dhigaal ah loo adeegsan jiray marka dadku kala fog yihiin.
Haasaawihii hore
Haasaawihii
hore wuxuu ahaa mid ka fool kafool ay isu arki jireen labada qof ee sheeko wadaagta ah, bilowga
xiriirkeeduna uu ka dhasho iyadoo xoolaha lala joogo ama ceelka la joogo,
waqtigaasi wuxuu ahaa mid kooban oo ibo fur u noqda xiriir is balansi iyo
kulankale loo ballaysimo. Wakhtiga ugu badan ay helaan ayaa ahaa habeenkii oo
ah marka xoolaha iyo hawlaha kale la dhameeyo, waxaana la isku arki jiray
ardaaga guriga inanta ama sida caadada ah waxaa la isku arki jiray fagaaraha
ciyaaraha habeenkii lagu goolaaftamo ee barbaartu heelada ku tomato, waana
halka ugu adag ee lagu kala garto ninka af-garooca ah iyo hadal yaqaanka
af-kuxooglaha ah. Inta badan taasi waxay dhici jirtay xilliyada barwaaqada ah
oo degsiimadu wadataal. Dhaqanka nooca ah wuxuu ahaa mid hufan oo laqdaba iyo
isdaba marinta ka caagan. Labda iyagoo muddo is moog, haddana ballama iyo
axdiyada la wada galo waa la ilaalin jiray, wuxuu ahaa dhaqan togan oo ku
sallaysan dun wacnaan aad u qoto dheer.
Hasaawaha hadda.
Haasawaha
hadda miyaga iyo magaaladu wuxuu noqday mid siman. Casriga iyo xadaaradda timid
ayaa wax badan sababtay inay isla falgalaan. Waxaa laga simanyahay in labada
qof xiriir dhex maro iyagoo aan is arag, isna aqoon, waxay sahashay in laba qof
oo kala jooga cirif ilaa cirif ay sheeko wadaag noqdaan, sawir mooyee iyagoon
si quman isu arag. Barbaarta inta wada joogta waxay hadda isku arki karaan meesha ay wada
ogol ugu ballamaan, waxayna is maqli karaan jeerkay rabaan, waana halkaa iyo
meelo kale oo badan halka uu kaga duwan yahay haasaawihii hore. Aaminadda iyo
isdaba marintu waa is barbar socdaan waana midkii Alle kugu beego , sidookale
xagga hufnaanta wuu ka duwan yahay kii hore, waxaana keenaya marba casriga la
joogo oo ah kan jaangooya marba sida uu noqonayo dhaqamada iyo ficilada
bulshada markaa joogta.
Haddaba sida
uu haasawaha laba xilli u kala duwaan ayaa guurkuna u kala duwanaa, haddana u
kala duwan yahay.

Comments
Post a Comment